Waa maxay Halving ama kala barid?

Halvin-ka ama kala barista Bitcoin waa dhacdo loo qorsheeyay inay dhacdo afartii sanaba mar, dhacdadaani waa in la kala baro Bitcointa supplay-geeda suuqa soogalaya, waxaana halkaas abaalmarin ku hela qolyaha minin-ka sameeya, oo halkii block-ba waxaa la siiyaa abaalmarin, abaalmarintuna way is badashaa, oo halkii 2009 la siin jiray 50 xabo oo bitcoin (BTC) ah hadda waxay helayaan 3.125 oo bitcoin ah.

Bitcoin network-keedu wuxuu tobankii daqiiqoba soo saara Bitcoin cusub waxaana lagu soo saarayaa qaab mining ah, mining-ka crypt-duna waa in computers-kaa sawirda hoose ka muuqda ay xaliyaan xisaabaad oo ah block-yada BTC network, kadibna waxaa soo baxaya wax la dhaho “reward”, reward-kaasina waa meesha uu halving-ku ka imaanaayo, oo qolyaha mining-ku markasta oo ay block dhammeeyaan waxaa la bixiyaa reward, reward-kaasina waxay u helayaan Bitcoin.

Markii koowaad Bitcoin afarteedii sanno ee u horeeyay sidaan soo sheegnayba waxay ahayd 50 Bitcoin (BTC) in la siiyo block kastaba waxayna markaasi ahayd sannadihii 2009 ilaa 2012, kadibna waaa la kala baray oo waxaa laga dhigay 25 Bitcoin (BTC), kii ku sii xigay ee ahayd 2016-kii isna waxaa laga dhigay 12.5 Bitcoin (BTC), kii u dambeeyay ee 2020-kii ahaan waa la sii kala baray oo waxaa laga dhugay 6.25 Bitcoin (BTC), kaa hadda sugayno ee ah 2024 isna waxaa laga dhigi doonaa 3.125 Bitcoin (BTC) per block, afar sanno kadibna qiimahaas baa la sii kala bari doonaa.

Si fudud Halving-ku waa habka lacagtani ay kaga hor tagto sicir bararka maadaama aysan jirin cid si gaar ah u maamusha lacagtaan, oo ay iyadu iskeed isku nidaamiso.

Sidaan horay u soo sheegnayna waa in afartii sanoba mar hoos loo dhigo xadiga Bitcoin ee sida maalinlaha ah u soo bixi jirtay. Tusale maalintii waxaa la soo saari jiray ku dhawaad 900 oo xabo oo bitcoin ah, se hadda markuu xalay halving-ku dhacay waxaa laga dhigay in maalintii la soo saaro 400 oo xabo, waxaana halkaas ka dhalanaysa in baahidii suuqa ay sii badato taas oo sababaysa inay Bitcoin qiimaheedu kor u kaco.

Suuqaan transaction kasta qola ayaa ku diiwaangalisa computer, dadkaasna bilaash kuma diiwaangaliyaan ee lacag ayay ku qaataan, oo halkii block-ba waxaa la siiyaa 6.25 Bitcoin (BTC) oo uu reward ahaan u helaayaa, se hadda maadaama uu halving-kii dhacay oo lakala baray waxuu qaadanayaa 3.125 Bitcoin ah (BTC), hadaba inagu maxaan ka faa’iidaynaa? Aan mar kale ku celiyee inagu waxaynu ka faa’iidayna in wax soo saarka Bitcoin uu yaraado baahidii suuqana ay sii badato taas oo sababaysa in uu suuqu sii kaco oo uu qaaliyoobo, dhaqaaqaas baana inagu ka faa’iidaynaa oo lacagtii way inoo koraysaa.

Sannad ka hor Bitcoin waxay maraysay $15k, waqtigaan aan qoraalka qoraayona $63,819 bay maraysaa, oo dhaqaaq fiican bay mudo yar gudaheed oo 500 oo maalmood ah ku samaysay, hadaba maadaama uu hadda halving-kii dhacay waxaan sugaynaa inay shanta boqol ee maalmood ee soo socota ay dhaqaaq kii hore ka badan ku samayso, oo ay meel sare gaarto.

Haddii an fiirino halving-kii hore waxa dhacay in ay Bitcoin hoos u dhac samaysay intaanu halving-ku ku dhicin oo waxay maraysay $10k waxaana la keenay $3k, daadashadaasna waxaa sabab u ahaa cudurkii Carona-ha, kadib halving-kii waxyar ka hor waxay samaysay inay kor u kacdo oo $3k bay ka soo dhaqaaqday waxayna imaatay $9k, waana marxalad ay leedahay oo markastoo halving jiroba ay samayso kor u kacaas waxaana loo yaqaan marxaladaas pre-halving rally, oo inaguba hadda waynu aragnay inay halving-ka kahor dhaqaaq xoog badan samaysay, intaa kadibna waxay gashay marxalad la dhaho post-halving-re-accumulation waana marxalad ah inuu suuqu aanu wax dhaqaaq ah samayn waana marxaladda ay dad badani ka niyad jabaan suuqa iyagoo is leh wax dhaqaaq ma soo socdaan, se accumulation-kaas waxaa ka dambeeya inuu suuqu dhaqaaq xoog badan la yimaado oo la galo marxalad kale oo la dhaho post-halving parabolic uptrend waana marxalada uu suuqu ku jiraayo mudo 500 oo maalmood ah ama sannad iyo bar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts