Sheekadda Squid Game

Taxanahaan waxa uu kamid yahay taxanayaasha ugu caansan shaashadaha shaneemooyinka, waxaana laga leeyahay waddanka South Korea, hadaba taxanahani muxuu sidaas dhan caan uga noqday caalamka shaneemooyinka?

Taxanahani waxa uu ku saabsan yahay ciyaaro la ciyaari jiray wakhtigii ciyaalnimada, ciyaarahaas ayaana waxa ay ka kooban yihiin ilaa iyo lix ciyaar, haddii aad guulaysatona waxaad helaysaa lacag aad u badan, haddii aad ku guud daraysatona waa lagu dilayaa oo sidaas ayaa game-ka lagaaga saarayaa, waana guulayso oo lacagtaas hel ama dhimo!

Waxaa halmeel la isugu keenayaa 456 qof iyagoo la ciyaarsiinayo ciyaarihii ay ciyaari jireen wakhtigii ciyaalnimadooda (childhood), dhammaantood mid kastoo kamida waxaa haysato dhibaato xagga dhaqaalaha ah, dhibaato ay naftooda halis u galinayaan inay ku guulaystaan lacagtaas oo uu qof walba jecel yahay inuu noqdo qofka u dambeeya ee qaata lacagtaas.

Atootaraha uu filimku ku socdo waxa uu haystaa lambarka 456 dhibaatooyinka haysta ee ku sababay inuu naftiisa halista intaas le’eg galiyona waxaa kamida shaqo la’aan haysato iyo lacagta uu soo helo oo uu marwalba ku gubo khamaar, xaaskiisana waa ka tagtay oo waxay guursatay nin lacag leh, gabadha kaliya uu dhalayna waxuu u awoodi waayay inuu nolosheeda cover gareeyo sida waxbarashadeeda iyo caafimaadkeeda, sidoo kale Hooyadii waa qof waayeel ah oo la xanuusnaysa cudurka macaanka, wuxuuna u awoodi waayay inuu u soo gado daawo ama uu cisbitaalka geeyo, daymo aad u fara badana waa lagu lee yaahy, dhibaatooyinkaas faraha badan ee is biirsaday ayaa ku sababay atoorahani inuu ka soo qayb galo ciyaarahaan naftiisana uu halis u galiyo.

Goobta ay ciyaaruhu ka dhacayaan dadku waxay u kala baxayaan koox-koox, waxayna noqonayaan group, qof walbaana waxa uu raadsanayaa qofka uu is leeyahay waa ku faa’iidi kartaa ama waxaa ka helaysaa caqli, actor-ka 456 waxa uu ka soo ag dhawaanayaa mid hadda ka hor ay saaxiiba ahaayeen iskuulkana ay isla dhigan jireen oo ah nin aad u caqli badan, sidoo kale waxaa filimka ku jira wiil la dhaho Cali wiilkaan oo dad badan qalbiyadooda soo jiitay. Cali waxa uu ka soo jeedaa waddanka Pakistan, Hooyadii iyo qoyskiisa ayuu u dadaalayaa una xamaalayaa oo uu naftiisa halis u galinayaa si ay lacag u helaan, laakiin Cali daacadnimadiisa saa’idka ah ayuu ku waayay naftiisa oo waxaan dhihi karnaa isagaa gacantiisa isku dilay maadaama meeshu ay tahay ciyaar qof walba iyo naftiisa ah.

Taxanaha waxaa xubin muhiim ah ka qaatay oo ku jiray nin oday ah oo ku ciyaarayay lambarka 001, qisada iyo sheekada taxanahan waxa nuxurka u yeelay oo uu filimka dhani ku socdaa waa odaygaas, haddii aanad taxanaha wali daawan oo odaygaan qisadiisa aad haysid taxanuhu kuugu socon maayo oo wax dhadhan ah kuu yeelan maayo.

Waxaa kaloo layaabka leh ee dad badani la cajabeen waa in filimka sheekadiisa la qoray sannadkii 2009-kii waxana qoray director-ka lagu magacaabo Hwang Dong-hyuk, wuxuuna mudadaas 10-ka sanno ah codsanaayay in filimkiisa laga soo daayo shaashadaha caalamka laakiin mar walba waa laga diidaayay waxaana lagu yiri “filimkaani ma gadmaayo oo waa filim ciyaaleed, waana filin khiyaali ah” ilaa heer uu gaaray inuu ka niyad jabo oo uu lacag la’aan awkeed iska iibiyo qalabkiisa sida laptop-kiisa kuna iibiyo lacag gaaraysa $675 lacag la’aan owgeed, maantana musalsalkiisu waxa uu uga jiraa lambarka koowaad ilaa 90 dowladood waana musalsalka ugu daawashada badan ee mudo shaashadaha ka socday, director-kaana lacagaha uu helaayo waa xad-dhaaf, maadaama si aan caadi ahayd ay dadku u daawanayaan, sannada ka horna lacag la’aan owgeed ayuu iskaga iibiyay laptop-kiisa, se dulqaad badan kadib maanta waataa uu sida xad dhaafka lacag waaliya uga sameeyay sheekadiisii, oo ay adduunka dhan hadal hayn badan ka samaysay.

Sheekada filmkaan maxaad ka baratay? Nagula wadaag qaybta comment-ga casharka aad taxanahaan ka baratay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts