Qaybaha sannadka (Quarter-yada) iyo doorkooda dhaqaalaha

Qeybaha quarters-ka ee Quarter 1 (Q1) Quarter 2 (2), Quarter 3 (Q3) waxay qayb ka yihiin habtirsiga sannadka gaar ahaan dhanka dhanka dhaqaalaha (fiscal year). Sannadku waxa uu ka kooban yahay afar quarter oo kala ah:

1. Quarter 1 (Q1): January – March (3 bilood ugu horeeya)

2. Quarter 2 (Q2): April – June (3 bilood labaad)

3. Quarter 3 (Q3): July – September (3 bilood ee saddexaad)

4. Quarter 4 (Q4): October – December (3 bilood ee u dambeeya)

Xiriirka u dhexeeya Quarter-yada iyo dhaqaalaha ama financial markets:

1. Warbixinta dhaqaalaha: Shirkadaha iyo dawladaha waxay soo bandhigaan warbixinno dhaqaale (financial reports) mar kasta oo quarter dhammaado. Warbixinnadan waxay bixiyaan aragti ku saabsan waxqabadka shirkad ama dalkaas, taas oo muhiim u ah maalgashadayaasha, ganacsatada, iyo go’aan qaadayaasha.

2. Maalgashiga iyo suuqyada: Suuqyada saamiyada iyo kuwa kale ee maaliyadeed waxay si dhow ula socdaan warbixinada dhaqaale ee quarter-yada, sida dakhliga, faa’iidada, iyo khasaaraha shirkadaha. Warbixinnadan waxay saameyn karaan qiimaha saamiyada iyo xaaladda guud ee suuqa.

3. Bilowga sannadka Q1 iyo Q2: Suuqyada waxay inta badan la socdaan heerka kobaca dhaqaale ee quarter-yada hore, oo ay tahay mid muhim ah in la fahmo sida dhaqaalaha iyo shirkadaha ay u hormarayaan, iyadoo la tixgelinayo culeysyada ama horumarka ku dhici kara shirkadahaas.

4. Dhaqaalaha guud iyo saadaasha: Xogta laga helo quarter-yada waxay caawin kartaa saadaasha dhaqaalaha, gaar ahaan marka la eego heerka kobaca, shaqo la’aanta, sicir bararka, iyo heerarka dulsaarada, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaalada guud ee suuqa.

Sidaas darteed, Quarter-yadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha guud ee suuqyada maaliyadeed, iyadoo xogta laga helo quarter-yadaasi ay saameyn ku yeelan karto qorsheynta maaliyadeed, maalgashiga, iyo go’aan qaadashada ganacsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts