Okıyaalaha shirkadda Apple (Apple Vision Pro)

Okiyaalaan ayaa waxaa soo saartay shirkadda Apple, waana mid ku shaqaynaya nidaamka virtual reality-ga, nidaamkan virual reality-guna wuxuu wada kaloo cusub u furay tiknoolojiyada gaar ahaan in laga guuro isticmaalka teleefanada gacanta, waana mid ay ku rakiban yihiin kaamirooyin badan oo aad kula soconayso dhaqdhaqaaqa hareerahaaga.

Ookiyaalahaan virtual reality-ga ayaa waxa uu ka kooban yahay 5 dareemayaal (sensors) iyo qaboojiye loogu talagalay inuu heerkulkiisa yareeyo iyo 12 kaamiro oo secons ku dahood ku qaadi kara hal bilyan oo pixel, shaashadiisa tayadeeduna waa 4k oo xitaa haddii aad tahay qof isticmaala okiyaalayaasha indhaha markaaga hore ee aad dalbanayso ayaa laguugu soo dhex samaynayaa, okiyaalhaan ayaad ku programinaysaa taleefankaaga wuxuuna ku soo hordhigayaa shaashada taleefankaaga, waxaana cajiibka ka dhigaayaa waa isticmaalkiisa oo unique ah, oo bilow u ah tiknoolojiyadda virtual realty-ga ee xawaaraha sare ku socota.

Isticmaalkiisa ayaa waxaa u adeegsanaysaa indhahaaga, codkaaga, iyo farahaaga, indhaha ayaad ku eegaysaa meesha aad u baahantahay kadibna automatic ayuu isku gaynayaa meshaas, codkaaga ayaad kula hadlaysaa adiga oo u sheegaya waxa aad uga baahantahay, faraha gacmahaaga ayaad adeegsanaysaa adiga oo marba meel u gadgadinaya, shaashada ayaa soo dhawaysanaysaa marmarna aad iska fogaynaysaa adiga oo isticmaalaya dareemaha farahaaga, haddii aad qof kula hadlayso vedio call si toos ah buu kuu soo hor istaajinayaa, sidoo kale dhowr program ayaad halmar wada furan kartaa, adiga oo qof vedio call kula hadlaaya ayaad hadana Google-ka isticmaalaysaa, midna xasuusnow dhammaan waxa hareerahaaga ka dhacaaya si caadi ah baad ula socon karaysaa adiga oo waxaas oo dhan isticmaalaya maadaamu uu secons gudahood ku qaadayo hal bilyan oo pixel.

Waxa kaloo labyaabka leh ayaa waxay iyana tahay inaad iska badali karto meesha aad joogto oo aad meel kale tagi karto qaab virtual ahaana sida inaad duurka tagto ama badda adiga oo sariirtaada jiifa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts