Network Marketing: Nooc Ganacsi oo Fursado badan Leh

Network marketing, oo sidoo kale loo yaqaan Multi-Level Marketing (MLM), waa qaab ganacsi oo ku salaysan suuq-geynta tooska ah, halkaas oo shirkaduhu ku hawlgalaan shakhsiyaadka si ay u iibgeeyaan alaabaha ama adeegyada shirkadda iyagoo adeegsanaya shabakado ganacsi oo dadku ku xidhiidhsan yihiin. Ganacsaduhu wuxuu helaa abaalmarin maaliyadeed oo ku salaysan iibka tooska ah ee uu sameeyo iyo iibka dad kale oo ku jira shabakadda uu dhisay.

Qaabka Shaqada ee Network Marketing

Ganacsadaha Network Marketing wuxuu marka hore isdiiwaangeliyaa shirkad bixisa nidaamkaan ganacsi, ka dibna wuxuu ku hawlgalaa inuu iibiyo alaabaha ama adeegyada shirkadda. Inta badan shirkaduhu waxay bixiyaan fursad lagu dhiso koox iibiyayaal ah (sales team), kuwaas oo sidoo kale lagu dhiirrigeliyo inay dhisaan shabakadooda. Habkaani wuxuu keenaa laba ilood oo dakhli:

1. Iibka tooska ah ee uu qofku sameeyo.

2. Komishanka laga helo iibka shakhsiyaadka ku jira shabakaddaada.

Faa’iidooyinka Network Marketing

1. Maalgelin yar: Dadka waxay ku bilaabaan lacag aad u yar marka la barbardhigo ganacsiyada caadiga ah ama kuwii hore ee traditional-ka ahaa.

2. Waqti walba: Waxaad ka shaqaynsan kartaa xilligaad rabto, taas oo ka dhigaysa mid ku habboon dadka doonaya xorriyadda shaqanimo.

3. Korriin xad la’aan ah: Awooddaada inaad dhisto shabakad (networking) ballaadhan waxay kordhinaysaa dakhligaaga iyadoo aan xad lahayn.

Caqabadaha Network Marketing

1. Xirfadda iibinta iyo hogaaminta: Waxaa loo baahan yahay inaad leedahay xirfado wanaagsan oo iibin iyo hogaamin ah si aad u gaarto guul.

2. Sharciyada kala duwan: Meelo badan ayaa ah kuwa shuruuc adag ku leh MLM, waxaana muhiim ah in la hubiyo in shirkadda aad la shaqaynayso sharci ahaan sax tahay, maadaam ay jiraan kuwa badan oo sheega inay nidaamkaan Network Marketing-ka ku shaqeeyaan, laakiin aysan ahayn sida saxda ah.

Sidee ugu Guulaysan kartaa Network Marketing?

1. Baro Alaabta: Waa muhiim inaad si wanaagsan u fahanto alaabta ama adeegyada shirkadda si aad u suuqgeyn karto si hufan.

2. Dhiso Shabakad Isku Tiirsan: La shaqee dadka kugu jira shabakaddaada oo ku dhiirrigeli inay gaaraan yoolalkooda.

3. Samir iyo Dadaal Joogto ah: Guul lagama gaaro hal maalin gudaheed. Waa inaad si joogto ah ugu hawlgashaa inaad kordhiso iibkaaga iyo xubinimada shabakaddaada.

Tusaalooyin Network Marketing

1. Forever Living Products (FLP)

Forever Living Products waa shirkad caalami ah oo caan ku ah alaabaha laga sameeyo dhirta Aloe Vera (dacarta), waxaana aasaasay Rex Maughan sannadkii 1978. Shirkaddan ayaa bixisa badeecooyin dabiici ah oo loogu talagalay caafimaadka iyo is qurxinta. Rex Maughan wuxuu qaabkan u arkay fursad uu ku faafiyo badeecooyinkiisa iyada oo aan loo baahnayn suuq-geyn gaar ah, laakiin dadku ay iyagu suuq-geeyaan. Shirkaddan ayaa ka dhigtay mid dadka ka faa’iidaystaan nidaamkan ganacsi, iyaga oo helaya dakhli joogto ah iyaga oo iibinaya alaabaha tayada sare leh iyo komishanka ay ka helaan dad kale oo ku jira shabakaddooda.

2. Nexrise Network Marketing

Shirkadda Nexrise waa mid kale oo si weyn ugu guulaysatay Network Marketing. Waxaa hogaamiya Ahmed Mukhtar, oo ah maamulaha guud (CEO) ee shirkadda. Nexrise waxay bixisaa badeecooyin kala duwan oo ay shirkado soo saaraan, waxayna u shaqaysaa qaabkan MLM-ka ah si loo dhiirrigeliyo ganacsatada yar-yar ee doonaya inay abuuraan dakhli. Nexrise waxay ka dhigtay in dad badan ay si toos ah u hawl-galaan ama u ganacsadaan, iyagoo siinaya tababarro iyo qalab ku saabsan iibinta iyo horumarinta shabakadda. Axmed Mukhtar wuxuu noqday tusaale wanaagsan oo muujinaya in Network Marketing laga abuuri karo ganacsiyo guuleysta iyadoo la adeegsanayo nidaam dhisan oo waxtar leh.

Gunaanad

Network marketing waa fursad weyn oo qofkasta oo raba inuu dhiso ganacsi amaba dakhli dheeri ah uga faa’iidaysan karo. Tusaalooyinka Forever Living Products iyo Nexrise waxay muujinayaan in nidaamkan uu noqon karo mid guul leh haddii shirkadda iyo ganacsatada ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa shabakad faa’iido leh. Guushu waxay ku xidhan tahay xirfadaha iibinta, hogaaminta, iyo joogtaynta dadaalka.

Qof kasta oo danaynaya inuu ka faa’idaysto ganacsigaan, waan tababarayaa waxaana bixinayaa koorso free ah oo ku saabsan habkii uu u bilaabi lahaa.

Your network is your net worth

igala soo xiriir +252907789113

May be an image of 1 person and text

2 Comments

  • Wad mhadsathy wll

    Ok

  • ibraahim mahamed

    this is my first time I received this massage so I’m so excited I hope conscious

  • Drzakii Dheere

    Mahadsan sxp Ibrahim qoraalkan waxan ka faaidey wax badan oo ah pig information

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts