Mustaqbalka Tiknoolojiyada Caafimaadka iyo Kartida Bani’aadamka

Waxaa jirtay qormo aan dhawaan ka qoray teknoolojiyada CRISPR oo aan kaga hadlayay sida ay ugu faa’iidaysan karaan bahda caafimaadka iyo biology-ga. Waxaan kaga faallooday inaan u dhow nahay in mustaqbalka dhow xaaladaha sida indho la’aanta, dhego la’aanta, iyo cudurada hiddasidaha ah (genes) ay noqon karaan kuwo daawo loo helo. Teknoolojiyada cusub waxay la timaaday inay wax kasta xal u heli karayso, oo xitaa caafimaadka si gaar ah haddii si fiican loo saxo gene-yada bani’aadamka meel aan waligeen suuraysan bay gaaraysaa.

Elon Musk ayaa hadda ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan qalabka Neuralink ee Blindsight oo gaaray horumar kaloo cusub. Musk wuxuu sheegay in qalabkaan uu suurta galin karo in indhaha loo soo celiyo aragoodii, xitaa laga shaqaysiin karaayo neerfaha optic-ka, haddii unugga maskaxda ee wax arka qaabilsan (visual cortex) uu sifiican u shaqeeyo. Bilowga, aragtida qalabkani waxay ahaan kartaa mid tayo hoose leh sida Atari graphics-kii hore oo kale, laakiin ujeedada kama dambaysta ahi waa in la gaaraayo heer si %100 ah la iskugu aamini karo, xitaa shirkadda vition-keedu waa in awooda araga qalabkaani uu gaaro heer araga dabiiciga ahi lamid noqdo.

Inkastoo wali mashaariicdani bilow yihiin, hadana horumarka hadda socda wuxuu muujinayaa rajo cusub oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xaalado horay aan xal loogu heli jirin. Dhakhaatiirta iyo aqoonyahannada caafimaadka waxaa habboon inay aad ula socdaan isbeddellada teknoolojiyada sida biotechnology-ga iyo molecular biology-ga, maadaama ay yihiin furayaasha laga yaabo inay albaabada u furaan mustaqbal cusub ee caafimaadka.

Waa ku jirnaa waqti xiiso leh, waana nasiib in aan ka mid nahay dadka horumaradaan la jaanqaadaya xilligan. Teknoolojiyada sida CRISPR iyo Neuralink waxay dib u qaabeynayaan fahamkeena ku saabsan waxyaabaha suurtagalka aan ahayn ee ay teknoolojiyada cusubi suurtgalka ka dhigayso.

{ عَلَّمَ ٱلۡإِنسَـٰنَ مَا لَمۡ یَعۡلَمۡ } 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts