Maxay ku kala duwan yihiin DEX & CEX?

DEX vs CEX

DEX (Decentralized Exchanges) iyo CEX (Centralized Exchanges): Qormadan waxay diiradda saari doontaa farqiga u dhexeeya DEX-yada iyo CEX-yada, iyo sida ay u saameeyaan suuqa cryptocurrency.

DEX (Decentralized Exchanges) iyo CEX (Centralized Exchanges): waa maxay maxayse ku kala duwan yihiin.

1. Qaabka Shaqada:

CEX (Centralized Exchanges):

CEX-yadu waa suuqyo ay maamulaan shirkado dhexe, sida Binance, Coinbase, iyo Kraken. Isticmaalayaashu waxay u baahan yihiin inay iska diiwaangeliyaan akoonnadooda si ay u kala iibsadaan lacagaha dijitaalka ah, waxaana looga baahan yahay aqoonsi, oo dhammaan inormation-kooda waxaa khasab inay shirkadahaa la wadaagaan, sida passport-kooda iyo address-kooda (KYC).

Maamulka dhexe ayaa mas’uul ka ah amniga, transactins-ka, iyo xisaabaadka, taasoo ka dhigaysa mid sahlan oo la isugu halayn karo, maadaana ay aad u ilaalinayaan.

DEX (Decentralized Exchanges):

DEX-yadu waa suuqyo aan lahayn maamul dhexe, sida Uniswap, SushiSwap, iyo PancakeSwap. Waxay ku shaqeeyaan smart contracts oo ku sale

Isticmaalayaasha waxay si toos ah u kala iibsadaan lacagaha, iyaga oo aan u baahnayn inay diiwaangeliyaan akoon, ama aan looga baahnayn KYC. DEX-yadu waxay bixiyaan isku xirnaan toos ah oo labada shakhsi aysan cidna u dhaxaynayn.

2. Amniga:

CEX:

CEX-yadu waxay mas’uul ka yihiin kaydinta lacagaha isticmaalayaasha, taasoo ka dhigaysa inay amnigooda aad u ilaaliyaan, maadaama ay badanaan karto weerarada ay la kulmin karaan, marka waa arrin u baahan inaad mar walba si dhow ula socoto xaaladaha exchange-gaa.

Bangiyada dhexe waxay leeyihiin habab amni oo adag, laakiin wali waxaa dhici karta in ay saameyn ku yeelan karto dhacdooyinka xun ee suuqa ka dhaca waana inaad mar walba suuqa la socoto.

DEX:

DEX-yadu waxay bixiyaan amni aad u sarreeya sababtoo ah isticmaalayaashu waxay haystaan furayaasha gaarka ah ee lacagahooda. Waxay ka ilaalinaysaa weerarrada amni ee suuqyada dhexe.

Si kastaba ha noqotee, DEX-yadu ma haystaan wax amni ah oo la mid ah CEX-yada, waxaana dhici karta in smart contracts la weeraro haddii aan si wanaagsan loo naqshadeeynin.

3. Kharashka iyo Faa’iidada:

CEX:

CEX-yadu waxay caadi ahaan leeyihiin kharashyo badan, oo ay ku jiraan kharashyada transactions-ka iyo khidmadaha lacag bixinta. Kharashyadaas ayaa badanaa ah kuwa la aqbali karo maadaama ay bixiyaan adeegyo hufan.

Waxay sidoo kale bixiyaan faa’iidooyin sida xawaaladaha degdega.

DEX:

DEX-yadu waxay leeyihiin kharashyo hoose, laakiin isticmaalayaashu waa inay ka feejignaadaan kharashyada trasactions-ka ee ku xiran shuruudaha smart contracts.

Faa’iidooyinka DEX-yadu waxaa ka mid ah in aanay lahayn khidmadaha dhexdhexaadiyaha, taasoo ka dhigaysa mid aad u jaban.

4. Dhismaha Suuqa:

CEX:

CEX-yadu waxay yihiin suuqyada ugu waaweyn ee kala iibsiga lacagaha, waxayna bixiyaan awooddo istiraatiiji ah oo aan laga heli karin DEX-yada.

Waxay sidoo kale bixiyaan fursado badan oo ganacsi, sida margin trading iyo futures.

DEX:

DEX-yadu waxay noqdeen kuwo caan ah, gaar ahaan marka la eego xuquuqda isticmaalaha iyo hufnaanta. Isticmaalka DEX-yada ayaa kordhay, iyagoo bixinaya fursado badan oo kala iibsiga.

Si kastaba ha noqotee, DEX-yadu waxay la kulmayaan caqabado sida hoos u dhac ku yimaada isticmaalka marka loo eego CEX-yada.

Gunaanad:

Isbarbardhiga DEX-yada iyo CEX-yada wuxuu muujinayaa in labaduba ay leeyihiin faa’iidooyin iyo caqabado. CEX-yadu waxay bixiyaan adeegyo hufanaani ku dheehantahay sidoo kalena lagu kalsoonaan karo , halka DEX-yadu ay bixiyaan amni iyo madax bannaani. Maalgashadayaashu waxay u baahan yihiin inay si taxadar leh u qiimeeyaan baahiyahooda iyo khataraha ka hor inta aysan go’aan ka gaarin meesha ay maalgashadaan.

Haddii uu jiro mowduuc kale oo aad sharaxaad uga baahan tihiin fadlan qaybta faaladda noogu reeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts