Hadaan u fiirsano shirkadaha nasiiyo adeega isgaarsiinta, gaar ahaan moobeelada badanaa waxay adeegsadaan 3G iyo 4G, marka ma taqaanaa waxa laga wado?
Waxaan rabnaa maanta inaan qormadaan ku fahano waxa laga wado 3G iyo 4G, iyo sidoo kale waxa ay kalayihiin iyo farqiga u dhaxeeyo.
Maraka koowaad kalmada 3G waxay u taagantahy farsamada jiilka sadexaad ee wireless telecommunication ama isgaarsiinta aan fiilada lahayn, sida moobiilada aan gacanta ku qaadano ilayn iyagu fiilo ma lehe, sug! Waxaa laga yaabaa inaadan wali fahmin, oo aad iswaydiinayso maxaa weeye generation ama jiil, hadaba isug aan kuu sharaxee.
Moobilku wuxuu leeyahy SIM card ama laf, laftaasina waxaa la dhahaa global system mobile (GSM), marka GSM-kaas baa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, midaas baana sababtay in la dhaho marwalba jiil cusub magac cusubna loo bixiyo, wakhtigaasina wuxuu ka soo bilaabmaa 1981-dii, oo ahayd jiilkii koowaad ama GSM, wixii wakhtigaa ka horeeyayna waxaa la dhihi jiray 0G.
1981-dii oo ahayd markii ugu horaysay ee la isticmaalay taleefanada gacanta ee aan fiilada lahayn ee ku shaqeeya SIM card-ka ama lafta kaliya, taleefankaasna waa lagu hadli jiray kaliya wax SMS ama qoraal ahna malahayn, taasi oo la macne ah inuusan internet-na uusan lahayn.
Hadana 1992 ayaa waxaa soo baxay 2G ama General packet Radio Service (GPRS), jiilkaan baa waxa uu soo siyaadiyay in qoraal ahaan ama SMS laguwada hadlo, isaga oo noqday xawaaraha uu ku kala gudbinayo fariimaha ku dhawaad 65-144KB¹, intaas kadibna waxaa soo baxay 2.57G (EDGE) oo xawarihiisu koray oo noqday 180KB.
Waxaa la soo gaaray 2001-dii oo la yimaaday apdate cusub waxaana soo baxay markaas 3G oo xawaarihiisu yahay 400-700KB, waxaana aad loo sii horumariyay 3G-gii, oo waxaa la soo saaray nuskhad cusub oo iyada loogu magacdaray waxayna ahayd 3.5G ama 3G+, taanina xawaaraheedii wasii kordhay oo waxay noqotay 7.2MB, oo noo suurta galisay in aan internet-ka kala dagno document-yada iyo aflaamta, waana jilka suurta galiyay inaan internet-ka kuwada xiriirno inga oo moobeelada gacanteena wadano, iyo sidoo kale aan vedio call aan iska wacno.
Intaas kafib waxaa la soo gaaray 2011 oo ay soo baxday 4G jiilkaan ayaa xawarihiisu wuxuu noqday inuu halkii second ku gudbiyo 100MB-1GB, taasi oo ka dhigan inaad aflaanta aad markaas ku daawan karto HD isaga oo aanan ka kala go’ayn.
Hadda dowlada China ayaa waxay soo bandhigtay inay 2025-ta hirgalin doonto 6G.