Trump wuxuu yiri sannadkii hore “haddii la i doorto waxaan samayn doonaa musaafurintii ugu waynayd abid ee Maraykanka laga sameeyo, waxaana u isticmaali doonaa ciidanka military-ga”
Hadalkaasi waagaa saamayn sidaa u sii way ma yeelin, se hadalkiisii uu doraad yiri ayuu wuxuu ku sheegay tiro cayiman oo uu musaafurin doono wuxuuna yiri ” waxaan tarxiili doonaan 15 ilaa 20 malyan oo qof ” hadalkaan dambe ayaa marka saamayn ballaaran yeeshay oo ay idaacaduhu aad u hadal hayaan, mid kamida ragga ku takhasusay arrimaha dhaqaalaha oo ay idacaadaha waddankaasi waraysi ka qaadeen ayaa waxa uu yiri ” haddii Trump uu waddankaan dad 20 malyan ah ka celiyo waxay sababaysaa in dhaqaalaha waddanku uu hoos galo, sababtoo ah dadkaas shaqooyinkoodii ayaa la waynayaa cid ka shaqaysa, markii la waayona shirkaduhu waxay ku khasbanaanayaan inay dadka lacag badan ku shaqaalaysiiyaan, taas oo sababaysa in shirkaduhu faa’ido heli waayaan, halkaasna ay ku musallafaan oo ay suuqa kaga baxaan shirkadahaasi, taasi oo iyana sababi doonta in dad kaloo badani shaqo la’aan noqdaan, unemployment tare-kiina uu kor u kaco, daynta dowladuna ay badato”
Waddankaas waxaa dagan dad 20 ku dhawaad gaaraya oo ka soo jeeda latin-ka, oo aan sharci haysan, badankoodna ay ka shaqeeyaan saqooyinka asaasiga ah, sida dhisida guryaha, nadiifinta wadooyinka, ka shaqaynta maqaaxiyaha, iwm.
Ugu dambayntii arrintaani haddii ay dhacdo waxay iyaduna saamayn ballaaran ku yeelan doontaa suuqyada caalamiga ah sida stocks-ka, crypt-da, iyo waiba Forex-ka, samayntooduna way kal duwanaan kartaa, waxay u baan yihiin falanqayn intaan ka ballaaran, waxaadna kala socon kartaan Som Crypto Exchange iyaga oo faahfaahsan.