Waxaysan shaki ku jirin bani-aadamka horumarkiisu maanta inuu ku jiro dhanka teknoolojiyada iyo cilmiga, waxaana asaas u ah xaraf ama nambar oo la yiraahdo zero, ama Eber, waana aasaaska caalamka aan ku noolnahay hada.
Haddii aysan jiri lahayn zero wax kama jiri lahayn xisaabaadka diferential, integral, Al-gebra, iyo wax walba oo ku saabsan xisaabaadka, kombuyuutarada, iyo qalabyada electronic-ga ah ee aan hadda addeegsano, arrintaana waa midda uu Allah ugu fududeeyay bani-aadamka inay gaaraan dayaxa, sidoo kale ay samaystaan kombuyuutaro iyo aalado kale oo casri ah.
Marka qormadaan waxaan uga hadlaynaa taarikhda zero iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena iyo asalkeeda meesha ay ka timaada, iyo faa’idada ay u leedahay sayniska.
Markii u horaysay oo ay luqadda english-ku adeegsadaan magacbixinta ZERO waxay ahayd 1598M (miilaadiga) waxaana lagu tiriyaa nambarka eberku inuu yahay nabarkii u horeeyay ee nambarada, uguna fudud, ugana cajiibsan isticmaalkiisu, suurayso xisaabaadku siday ahaan lahaayeen haddii aysan zero jiri lahayn.
Hadda ka soo qaad 10 waxay noqon 10 hadfii aad ku darto zer 10=1+0, sidoo kale waxay noqon boqol hadaa laba zero ku darto, farqiga kaliya ee u dhaxeeyana waa zero, suurayso haddii mushaharkaaga lagu hal xabo oo zero ah, tijaabi oo ku dar, wax isbadal ah miyaa ku imaanaya?
Iyadoo markaa u fiirsato xisaabaadka qiimo wayn uu ka joogo ayuu hadana uu taagan yahay waxna, wax aan jirin macnaha, Nothing, ama laa shay, asaga oo sidaas oo dhan ah misna ma aysan ahayn helidiisu iyo wax fudud, wuxuuna fududeeyay eberku xalinta xisaabyo iyo mucaadalaat Al-Jabra oo adag, taariikhyahanadu waxa ay isku khilaafeen, halka laga soo hindisay zero, ama eber iyagoo qaar ay sheegaan in qarnigii sadexaad ka hor dhalashadii Nabi Ciise (N.N.K.H) inay ahaayeen baabiliyiintii dagi jiray dhulkii labada wabi ama dalka ciraaq hadda loo yaqaano, ay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee soo saaray ZERO laakiin wax qiimo ah uma taagnayn, iyadoo taariikhyahana da qaarna ay sheegaan inay asalkiisii uu ka yimi Giriiga ama roomaanka, maxaa yeelay caalimkii badliimoos, ee lagu arkay qoraaladiisa uu falaga ka qoray midaas oo ahayd qarnigii labaad ee miilaadiga, laakiin badankood, waxay isku raaceen inuu asalkiisa uu ka imaaday culumada xisaabta ee hindida ayna u yaqaanaan kalimada hindiga ah ee SUNYA ama SUNYABINDA ee micnaheedu tahay (waxna) yancii eber.
Waxaa kaloo la sheegaa siduu carabta lambarkaani ku soo gaaray inay dhacday sannadkii 773M in khliifkii muslimiinta ee dowladda Cabaasiyiinta ee Ma’muun, uu u soo martiyay caalimkii falakiga ahaa ee la dhihi jiray Kanka sidaas uu caalimkaasi khaliifka muslimiinta hadyad ahaan u siiyay kitaab uu qoray qoraaga Baraahama la dhihi jiray, kitaabkaas ayaana magiciisa lagu sheegay inuu ahaa HIND-SIND, iyada oo uu kitaabku ka hadlayay dhaq-dhaqaaqa xidigaha iyo xisaabta.
Khaliifka muslimiinta ee Ma’muun ayaa lagu bartay inuu casrigiisii ahaa casriga uu kor u kacay horumarka fikirka iyo falsafada, cilmiga iyo caafimaadka, xisaabta iyo fiisigiska, isaga oo khliifku sannadkii 836M uu asaasay jaamacadda Baytul-Xikmah ee Baqdaad ku taalay, taas oo ahayd jaamacada ugu waawayn caalamka, iyada oo uuna wakhtigaas galin jiray kharash badana uu ku bixin jiray in la turjumo kutubta giriiga iyo faarisiyiinta, kitaabkii uu caalimkii Hindiga ahaa u soo hadyeeyayna wuxuu kamid ahaa kitaabtii uu amray in la turjumo, iyada oo uu caalimkii waynaa ee Mammad binu-Musa Al-khawaarsimi oo lagu tilmaamo inuu ahaa aabihii cilmiga Al-gebra, uu ahaa dadkii qaybta ka ahaa wax turjumida gaar ahaan kitaabta xisaabaadka, wuxuuna caalimkani ka dhigay Zero lambar u muhiim ah xisaabaadka, waana qofkii soo saaray in eber laga dhigo midigta lambarka, tusaale, waxay noqon haddii lambar 1 midigtiisa la dhigo Zero waxay noqon 10, se haddii bidixdiisa la dhigo waxay noqon 01, taasi oo noqonaysa inaanay tirada wax isbadal ah ku samaynayn.
Markaan u nimaadkno dhankaas iyo Yurubna waxaa gaarsiiyay xarafka zero, muslimiintu markii ay qabsadeen Andulus qarnigii 12-aad ee miilaadiga sidaasna ay ku gaartay boqortooyadii biritishka.
Waxyaabaha lambarka Zero uu kaga duwan yahay lambarada kale waxaa kamida haddii aad ka jarto, ama ku darto qiimo inaysan waxna ka jarayn waxna ku kordhinayn, sidoo kale haddii aad tiro ku dhafato natiijadu si walba waxay noqon zero, haddii aad qaybisona waxay noqon natiijadu wax aan la aqoonsan karin ama infinity.
Lambarka eberku waa lambar dhex-dhexaad ah, mana lahan waxa calaamad ah plus, muujib ama minus, saalib. Waana midka u dhaxeeyo labada tiro, waana asaaska ay ku tiirsan yihiin tirooyinku, oo hadaad rabto inaad tiriso lambar waa inaad ku siyaadisaa zero, wuxuuna ku tusin lambarka zero socosho iyo baaqi ahaansho maxaa yeelay tiradu isaga ayay ka bilaabataa isaga ayayna ku dhammaataa markaa wax tirinayso.
Ahmiyada uu leeyahay zero ama eber kuma koobna waxaan horay kuugu soo sheegay ee waxyaabahaan casriga ee aan hadda isticmaalno sida internet-ka ama computer-ka iyo moobeelada iyo badankiis qalabyada korontada ee electroonica waxaa asaas u ah zero