Ninkaan markuu dhashay waalidkii waxay haayeen dad nolosha ka dhacsan oo daroogadda ka ganacsada, Jeremy-na isaga oo sagaal bilood jira ayaa Aabihiisa waxa uu mindi ku dilay gabar ay Jeremy Hooyadii saaxiibo ahaayeen, halkaasna waxaa lagu xiraya odaygii oo xabsiga ayaa loo taxaabay, Hooyadiina waxay ahayd qof aad u dhib badan oo marwalba xabsiga gasha oo ka soo baxda, waxayna ka ganacsan jirtay daroogada, markeedii ugu damabaysan xabsiga ayaa toos loogu taxaabay.
Noloshii iyo ciyaalnimadii Jermey waxay ahayd nolol aad u dhib badan oo adag, wuxuu soo koraba wuxuu soo gaaray da’da 15-aad, wuxuuna u soo wareegay magaaladda Los Angeles (LA), markaasna waxay ahayd waqti ay badanaa magaalada LA ka soo baxaan gaangiistarada iyo drug dealer-ka, dhalinyaraduna waxay aaminsanaayeen inay magaaladaas ku dhisan karaan noloshooda.
Jeremy markii uu yimi magaaladda LA wuxuu ku biiray gaangiistarada waddooyinka, wuxuuna bilaabay inuu ka ganacsado daroogooyinka lagu iibiyo wadooyinka si uu nolol maalmeedkiisa halkaas uga helo, noloshiisana dhibaatooyin badan ayuu ku jiray. Sannadkii 2002 ayuu wuxuu kufsi iyo jirdil u gaystay gabar 16 jir ahayd, xabsiga ayaan la dhigay waxaan lagu xukumay laba sanno oo xarig ah.
Markii uu xabsigii dib uga soo baxayna noloshiisu wali sidii ayay ahayd, bal waaba ka sii daray oo dhibaatooyin aad u waawayn ayuu sii gaysanaayay, markii uu 20 jir noqday wuxuu bilaabay inuu ka ganacsado hubka, wuxuuna xilligaas kamid noqday dadka ugu halista badan waddanka Maraykanka, waxuuna galay list-ga dadka dambiilayaasha ah ee ugu dambiyadda waawayn. Laakiin waxay wax walbaa is badaleen sannadkii 2014-kii, mar uu jermey iyo saddex kale oo saaxiibadiis ahaa oo watay gaari ayaa waxaa istaajiyay polis, iyagu waxay is lahaayeen kaliya waxaa la idin waydiinayaa shatiga baabuurkiina, se sida ay moodaayeen ma noqon oo polis-kii waxay bilaabeen inay baaritaan ku sameeyaan baabuurkii, waxayna ka dhex heleen hub aan sharciyaysnayn, waxaana sidoo kale ay polis-ku aadeen Jeremy gurigiisa halkaas oo ay ciidamadda kala duwan e Maraykanka, maadaama uu ugu jiray list-ga dadka ugu halista badnaa markaas.
Markii ay polis-kii baareen guriga Jermey waxa ay ka heleen hub aan sharciyaysneen, lacag cash ahayd oo aad u fara badnayd, iyo daroogooyin, intaas kadib waa loo taxaabay xabsiga, se intaan gudaha xabsiga la dhigin ayaa waxaa laga qaaday sawir, kaas oo markaa la dhigay Facebook-ga. Sawirkii 24 gudahood ayuu wuxuu ku noqday caan, wuxuuna helay hadal hayn aad u fara badan, dhammaan dadkii ka falceliyay sawirkiisa ayaa markaas taageero wayn u muujiyay, iyaga oo leh ninkaan quruxda badan uma qalmo in uu xabsiga galo, dhammaan social media-ha ayaa markaa waxaa looga sameeyay hashtag isaga lagu taageerayo, xitaa telefishinada ugu waawayn dalkaas baa hadalhayay, si wayn bayna u buunbuuniyeen, waxa kaliya ee sidaas dhan loogu taageerayona waa inuu kaliya qurux badan yahay, isaguna waxaas wax war ah uma hayn oo xabsiga ayuu ku jiray markaa. Jeremy saaxiibkiis ayaa soo wacay wuxuuna u sheegay inuu viral noqday oo aad loo hadal hayo, ninkaan macnaha viral ma aqoon markaas, wuxuuna waydiiyay saaxiib waxa uu ka wado, waxa uuna u sheegay in meelkasta jaa’idada iyo dhammaaan social media-ha isaga laga hadal hayo.
Jeremy waxa uu banaaanka ku yeeshay taageerayaal aad u fara badan, waxayna bilaabeen inay hadyado qaali ah xabsiga ugu keenaan, waxaa sidoo kale isaga oo xabsiga ku jira hashiisyo (contract) u soo bandhigay shirkado aad u waawayn, sida kuwa modeling-ka iyo kuwa hollywood-ka, isaguna waxa uu u sheegay inuusan aqoon wax contract laga wado, sababtoo ah ninkaan xitaa waxbarashada asaasiga ah ma soo dhigan, wayna u sharaxeen halkaas ayuuna heshiisyadaa kula galay.
Jeremy markuu xabsiga ka soo baxay wixii u horaysay uu qabto waxay ahayd modeling-ka, waxa uuna bilaabay inuu dharka xayaysiiyo, wuxuuna ka qayb noqday bandhigyada caalmiga ah ee lagu qabto fashion-ka, wuxuu kaloo ka qayb qaatay jilida filimada hollywood-ka, wuxuuna mar la waraysanaayay sheegay inuu shan bilood gudaheed uu ka qayb qaatay toban filin, marba markii ak sii damabaysana noloshiisu way isa sii badalaysay, waxayna waxaa oo dhan ku dhaceen kaliya hal sawir oo laga qaaday oo Facebook-ga la soo dhigay.