1. Saxiixidda Heshiisyada:
Bankiyada ama Shirkaddaha Maaliyadeed: Haddii aad la shaqeyso bangi ama shirkad maaliyadeed, waxaa laga yaabaa inaad saxiixdo heshiis adeegga aad qabanayso ama shuruudaha ganacsigaaga. Heshiisyadana waxay qeexayaan shuruudaha iyo siyaasadaha ganacsiga ee shirkaddaas, sida khidmadaha la qaadayo, xadka leverage-ka ay isticmaalayaan, iyo shuruudaha lacag bixinta.
Broker-rada Forex: Haddii aad isticmaasho broker forex ah, waxaad sidoo kale saxiixaysaa heshiis adeeg ama shuruudo ganacsiga broker-kaa ku saabsan. Heshiisyadan waxay sidoo kale qeexayaan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga, sida khidmadah aad qaadayso iyo xeerarka ganacsi ee aad dajisanayso.
2. Ganacsi Madax-bannaan:
Barnaamijyada Ganacsiga: Haddii aad si madax-bannaan u ganacsato, waxaad isticmaali doontaa barnaamijyo ganacsi sida MetaTrader 4 ama 5. Marka aad isticmaasho barnaamijyadaas, ma jirayaan heshiisyo qoraal ah oo la saxiixayo, laakiin waxaa jiraaya shuruudo idin dhexmari doona adiga iyo platform-yadaas.
Xeerarka iyo Shuruudaha: Inkasta oo aanad saxiixayn heshiis rasmi ah, misna waa muhiim inaad fahanto inay jiraan xeerar iyo shuruudo, kuwaas oo badanaa lagu qeexayo website-ka broker-ka ama platform-ka aad isticmaasho.
3. Shuruudaha Ganacsi:
Leverage iyo Margin: Waxaad u baahan tahay inaad fahanto sida leverage iyo margin u shaqeeyaan, maadaama ay saameyn ku yeelan karaan risqigaaga ama faa’iidadaada.
Khidmadaha ama Fees-ka: Waa inaad ogaataa khidmadaha ganacsi, sida khidmadaha lacag bixinta, iyo kuwa trade-yada.
4. Shuruudaha Xiriirka:
Codsiga iyo Heshiisyada: Haddii aad ka shaqeyneyso meel gaar ah oo leh shuruudo gaar ah, waxaa laga yaabaa inaad saxiixdo heshiisyo dheeri ah sida codsiga ama heshiiska xisabaadka.
Waxaa muhiim ah inaad si fiican u fahanto dhammaan shuruudaha iyo siyaasadaha ku saabsan ganacsiga forex si aad u hubiso in aad si ammaan ah oo hufanaani ku dheehantahay aad u ganacsato.
Waxaa laga yaabaa inaad wali fahmi la’adahay laverage iyo margin, hadaba labadaan qoraal kale baan si fiican iyaga kaliya ugu faagfaahin doonaa. Qormadaana dulmar guud bay ahyd, sidoo kale CFD baa iyadana ka soo hafli doonaa.