Forex

Forex ma ahan meel khamaar lagu ciyaaro, ama qof lagu dhici karo. Forex waa suuq caalami ah oo ay maalimtii dhexmarto $6.6t (6.6 tirilyon oo dollar), lehna nidaam iyo hab uu u shaqeeyo, waana suuq ay ku shaqeeyaan dhammaan bangiyadda adduunka, marka uu qof shakhsi ahi isna uu doonayo inuu suuqaan ka shqaysto waxaa khasaba inuu broker ama prop-firm soo maro oo uu lacagtiisii halkaa dhigto kadibna uu ku shaqeeysto isagu, se intuusan ku shaqayn waxaa ka horaysa inuu qofkaasi cilmigii uu suuqaan kaga shaqaysan lahaa soo barto, hadii kale khamaar bay wixiisu noqomaayaa qofkiii isagoo bilaa aqoona suuqaan soo gala, waa uun aniga oo dhaha waxaan noqonayaa civil engineer aniga oo aan aqoon ama cilmi u lahayd injineeriyadaas.

Dhanka kale forex ma ahan meherad meel la yaqaan ku taala oo lacagta loo dhiibto, si ay kuugu shaqayso. Ama koox magac leh oo xafiis soo fadhida. Ma ahan sidaas. Mana dhici karto intay qolo xafiis furato ay dhahdo keensada lacag baan idiinku shaqaynaynaa, waxaas wax ka jira malahan, dadkaas xafiisyadda u furanaaya waa kuwa tuugo ah, oo ku soo talagalay inay dadka dhacaan, sideedabana qofku markuu rabo inuu wax sameeyo talaabadda koowaad ee looga baahan yahay waa inuu ogaado waxaasi maxay yihiin? Qaabkee u shaqeeyaan? Cid khaas ma u sii mari karaa, mise anigaa si toos ah u gali kara? Su’aalahaas oo dhan baa loo baahan yahay inuu qofku is waydiiyo, cidda wakhtigaan 2024 oo la maraayo la dhacaayona ma garan karo sababta ay sidaas dhan iskugu indha tirayaan, waayo wax kasta waxaa ka xigta hal click oo ay sameeyaan.

Forex waxaa lagu trade gareeyaa lacagaha adduunka ka jira iyaga oo la isugu qabanaayo labolabo, waxaa iyana jira kuwa ka baxsan Forex-ka oo lagu trade gareeyo sida indices iyo gold. Laakiin gold isaga laftirkiisa forex waa lagu trade gareeyaa as currency ahaan iyada oo lagu lamaaninayo lacagta dollar-ka (XAU/USD). Gold waa suuqa ugu market cap wayn wuxuuna market cap-kiisuna ku fadhiyaa $15.8T (trillion), marka la joogu suuqa forex-na waa dhaqaaq wayn yahay pairs-ka kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts