Donald Trump

Trump waa ganacsade aad ugu xeel dheer arrimaha ganacsiga isaga oo gadaal ka soo galay siyaasadda. Trump waxa uu ku dhashay New York sannadkii 1946-dii, kuna soo barbaaray qoys ku caan ahaa dhismaha iyo ganacsiga hantida ma-guurtada ah. Hooyadii Mary Anne iyo aabihii Fred Trump waxay u fureen albaabkii ganacsiga, isaga oo ku barbaaray darajooyin waaweyn oo shaqsiyadiisa ay saamayn wayn ku yeesheen.

Bilowgiisii ganacsi wuxuu soo bilaabay 1970-meeyadii, markii uu la wareegay shirkaddii aabbihiis ee Trump Organization. Intii uu maamulka u qabtay, wuxuu Trump si degdeg ah u beddelay qaabkii shirkadda, isagoo la yimid xeelado cusub oo cajiib ah oo horseeday dhismaha meelo magac iyo shacbiyad leh, sida Trump Tower oo Manhattan ku yaalla, Trump Plaza, iyo Trump Taj Mahal oo ka mid ahaa xarumaha madadaalada ee Atlantic City. Trump waxa uu caan ku noqday in uu si xooggan u xayaysiiyo magaca “Trump” isaga oo soo bandhigay astaamo u gaar ah oo tilmaamaya dhismooyinka iyo ganacsiyadiisa, taas oo u sahlaysay in magaciisu noqdo mid dadku u arkaan calaamad sharaf leh.

Ka dib guulo iyo guul-darrooyin ganacsi oo taxan, waxa uu Trump u xuub-siibtay dhinaca warbaahinta iyo madadaalada. Waxyaabaha magaca Trump ku sii faafiyay waxaa kamid ah barnaamijkii caanka ahaa ee The Apprentice, oo uu martigalinaayay tan iyo 2004-tii. Barnaamijkaan ayaa ka dhigay mid kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee ganacsiga, isaga oo magaciisa iyo hadal hayntiisii caanka ahayd ee “You’re fired” ay noqdeen kuwo astaan u noqday kalsoonida uu qofka ku yeelan karo ka go’naanta go’aannada adag.

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu u soo wareegay dunida siyaasadda 2015-kii, markii si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxwaynaha Maraykanka. Ballanqaadkiisii ahaa “America First” wuxuu ka mid noqday aragtiyihiisa siyaasadeed ee asaasiga ah isaga oo si cad ugu hadlay arrimaha soo galootiga, ganacsiga adduunka, iyo kor u qaadidda shaqooyinka gudaha Marykanka. Trump wuxuu bartay sida loo dhexgalo siyaasadda Maraykanka iyadoo uu aad u taageero Republican Party, wuxuuna ku guulaystay taageero ballaaran oo uga timid qeyb ka mid ah bulshada Maraykanka oo u arkay codkooda iyo hamigooda inuu yahay mid la mid ah Trump.

Sannadkii 2016-kii wuxuu noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee Maraykanka markii uu guul lama filaan ah ka gaaray doorashadii madaxweynenimada, isagoo si aan la filayn iga guulaystay Hillary Clinton. Trump wuxuu noqday madaxwaynihii 45-aad ee Maraykanka, xilligii ugu horaysay ee nin asal ahaan siyaasi ahayn uu jagada ugu sarreysa ee dalka uu qabto. Xilligii uu xukunka hayay wuxuu Trump ku caan baxay in uu hirgaliyo sharciyo iyo amarro madaxweyne oo ay ka mid ahaayeen kuwa wax ka beddelka arrimaha gamacsiga, canshuue dhimista, iyo soo celinta qoyamkii dhaqaale iyo kuwa bulsho ee Maraykanka.

Inkasta oo Trump uu lahaa taageero ballaaran, haddana wuxuu la kulmay caqabado siyaasadeed oo waaweyn, taas oo ugu dambayn sababtay in si rasmi ah loo dacweeyo laba goor xilligii uu xafiiska joogay, isaga oo ku tilmaamay falkaas mid isaga lagu beegsanayo. Taas baddelkeeda, wuxuu iska sii waday ololihiisii taageerayaasha, isagoo doorashadii 2020 u istaagay inuu ku tartamo jagada madaxweynanimo markii labaad. Hasa yeeshee, wuxui markaan ku guuldareystay doorashadii Joe Biden, taas oo markii dambe horaseeday dagaal dhanka sharciga ah oo uu ku doonayay in lagu hubiyo saxnaanta doorashada. Waxay arrinyu gaadhay heer dad taageersan Trump ay 6-dii Janaayo 2021 weeraraan xarunta Capitol-ka ee Maraykanka, iyadoo dhacdadaan lagu xasuusan doono halganka uu Trump u galay doorashadii uu ku doodayay inay ahayd mid lagu shubtay.

Trump mar kale ayuu hadda ku guulaystay jagada madaxtinimo ee dalkaasi Maraykanka, markaana wuxuu adeegsaday istaartijiyad cusub oo ay ku jirto in uu hadaladii adkaa ee uu hore ugu dhawaaqay ku sii xoogaysto. Waxa uu ku qanciyay taageerayaashiisa iyo guud ahaan Maraykankaba inuu yahay shaqsiga kaliya ee soo celin kara “Marykankii waynaa”, isaga oo xooga saaraya arrimaha dhaqaalaha, soo celinta shaqooyinka gudaha, iyo difaaca qiyamka qoyaska.

Trump waxaa lagu yaqaannaa in siyaasadiisu tahay mid dad badan soo jiidata sidoo kalena kuwa badan ka caraysiisa, isagoo ku guulaystay in uu ku dhex milmo taageerayaasha uu aaminsan yahay inay la qabaan dareenkiisa ku aaddan badbaadinta qiyamka Maraykanka. Xisbiyada ka soo horjeeda, gaar ahaan Dimuqraadiga oo oggolaanaya qof walba inuu is beddelo jinsigiisa, isagoo ku doodaya in qiyamka qiyamka qoysaska iyo dhaqankaba la badbaadiyo.

May be an image of 1 person and the Oval Office

1 Comment

  • Yasin Ahmed

    Ibrahim horay usoco qoraalada laguma caajiso

  • Liban Nur

    Mahadsanid saaxiib.

  • tahir yare

    Mahadsanid IBRO , ku soco oo soo badi qoraalada , dadkeenu sidaa uguma sii wanaagsan akhriska , lakin hadane wey jiraan dad jecel , markaa haka caajisin ,INTAA ka dib waxan ku weydin laha ma turkigaa degan tahay ? adoo raali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts