Bitcoin waxay maraysaa heer taariikhi ah, iyadoo qiimaheedu uu gaadhay caawa $99,014, taas oo dhowr tallaabo u jirta $100,000. Heerkan ayaa loo arkaa calaamad muhiim ah oo xagga koritaanka ah, iyadoo kor u kaca uu yahay mid ay taageerayaan maalgashiga hay’adaha, kororka isticmaalka ETFs, iyo rajada mustaqbal ee siyaasadaha lacageed ee isbadallada waawayni ku socdaan. Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay tilmaamayaan in $100,000 uu noqon karo meel xasaasi ah oo keeni karta nasasho gaaban, ama meel ay dad badani profit ku qaadan kataan, maadaama ay tahay heer nafsiyan muhiim u ah suuqa.
Xilli ay jiraan calaamado badan oo muujinaya in koror dheeraad ah la filayo, oo ay gaari karto ilaa iyo $150k bilowga sannadka cusub waliba quarter-ka koowaad falanqeeyayaal badan ayaa qaba in Bitcoin ay u dhowdahay inay si rasmi ah u dhaafto xadka $100,000, ka hor sannadka cusub, taas oo noqon karta bilow wareeg cusub oo bull market ah.
Dhanka kale waxaa iyana inagu soo wajahan alcoin season oo ah halka ay wacdaraha badani ka dhici doonaan, waana meesha ay jeeb yarayaashu inta badan ka xamaashaan, waana halka dad badani 100x iyo ka dana ka sameeyaan, oo laga arko mucjisooyinka aadka u layaabka leh, waxaana suurtagal ah inay ishaadu qabato xiligaa qof $50 u badalaaya $500, qof $500 u badalaaya $50k, ama qof $50k u badalaaya $500k