Warbixintan lagu qoray Forbes waxay ka hadlaysaa qorshayaal la sheegay inuu Trump ku dhawaaqay oo ku saabsan abuuridda kayd lacageed Bitcoin ah, si wax looga qabto daynta Maraykanka lagu leeyahay ee xargaha goosatay, taas oo gaartay ilaa iyo $36 trillion. Waxaa la saadaalinayaa in qorshahan uu keeni karo kobac dhaqaale oo dhan $15 tirilyan oo doolar ah, taas oo ka tarjumeysa saamaynta weyn ee suurtagalka ah ee ay leedahay teknoolojiyadda blockchain iyo Bitcoin, gaar ahaan marka dawladaha ay bilaabaan inay aqbalaan lacagaha dijitaalka ah.
Saadaashan ayaa la xiriirta kobaca ballaaran ee ay maalgeliyayaasha waaweyn iyo hay’adaha dhaqaale ku yeelan karaan suuqyada crypto, taas oo kordhineysa xiisaha iyo isku-dayga lagu hirgelinayo kaydyo (reserv) rasmi ah oo ay dawladuhu isticmaalaan.
Waxaa sidoo kale lagu xusay in dhaqaale-yaqaanno iyo maalgashadeyaal badan ay arkaan in Bitcoin uu yahay “keyd dahab dijitaal ah” oo lagu xallin karo caqabadaha dhaqaale ee jira, gaar ahaan marka ay timaaddo khataraha lacageed ee caalamka ka jira sida sicir bararka iyo deynta qaranka ee kor u kacday. Jerome Powell oo ah madaxa Federal reserv-ga Maraykan ayaa waxa uu yiri “Bitcoin dollarka tartan kulama jirto, caqabadna kuma aha, ee dahabka (gold) ayay tartan kula jirtaa.
Waxaa xusid mudan in wararka la xiriira siyaasadaha maaliyadeed ee madaxda sare, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Mareykanka, ay si weyn u saameeyaan qiimaha Bitcoin iyo guud ahaan suuqa cryptocurrency. Warbixinta arrintaan ku saabsan iyadoo faahfaahsan waxaad ka akhrisan kartaan Forbes.