1. Barter System (6000 BC¹)
Marxaladda ugu horeysa ee lacagta waa nidaamka barter-ka, oo ah nidaam alaab, alaab kale lagu badallan jiray. Dadku waxay isticmaali jireen badeecadaha ay haysteen, sida wax soo saarka beeraha ama xoolaha, si ay u helaan badeecooyin kale. Tusaale ahaan, qofka haysta cows wuxuu cowska ku badalan jiray xoolo ama dhar, iyadoo aan wax lacag ah dhex imaan, ama koob caano ah baa waxaa ku soo badalanaysaa kiilo hilib ah.
Nidaamkan waxaa ku yimi caqabad, taas oo ahayd in la isku afgaran waayay qiimaha saxda ah ee alaabaha la isku badalanaayo. Tusaale kiilo tufaax ah, iyo kiilo yaanyo ah tee qiimo badan, sidee la isugu dheeli tiri karaa? Caqabadaha noocaan ah mar yimaadeen ayaa loo baahday in laga guuro, oo nidaam kale la samaysto.
2. Gold Standard (700 BC)
Marxaladdan waxaa soo baxay isticmaalka dahabka oo beddelay barter-ka. Dahabkuna wuxuu noqday lacag qiimo badan leh, iyadoo dadku ay alaabtooda ku iibsan jireen dahab. Waxa kale oo suurtagal noqotay in dadka dahabkooda ku beddeshaan badeecooyin ama adeegyo. Nidaamkani wuxuu sii kobciyay ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Nidaamka dahabka caqabadii soo wajahday isaga waa ay badnayd, se waxaa kamid ahayd inaan la safrin karin, oo kiilo dahab ah intaa boorsada ku ridato lama safri karto, oo waaba laguugu dili karaa.
3. Paper Money (618-907 M – Waqtigii Boqortooyadii Tang ee Shiinaha)
Paper Money ama lacagta waraaqaha ah ayaa markii ugu horeysay laga soo saaray Shiinaha. Fikraddu wax ay ahayd in dadku ay dahabkooda bangiga dhigtaan oo halkii dahabka ay isticmaali lahaayeen, ay waraaqo saxiixan oo dayn ah ku qaataan, waxay u fududeysay ganacsiga. Lacagahaas waxaa ku qornaa “I.O.U” taas oo macnaheedu yahay bangigu wuxuu kuu haya dahab qiimo u dhigma waraaqdaas. Fikraddu waxay ahayd in waraaqahan loo isticmaalo ganacsiga iyo wax kala iibsiga, halkii si toos ah dahab wax loogu kala iibsan lahaa.
Caqabada waxay ahayd in mararka qaar bangiyadu ay daabacaan waraaqo badan oo aan laheyn wax qiime dahab ah oo dhab ah, taas oo keentay in dadka kalsoonidii ay bangiyada ku qabeen ay lunto.
4. Gold Standard (1879 – Standardization of Gold-Based Currency)
Marxaladdan waxaa la dhisay nidaamkii Gold Standard, kaas oo micnihiisu ahaa in lacagta dawladu soo saarto ay la jaanqaadi lahayd dahab xadidan. Dowladaha waxay ballan qaadayeen in lacagta ku jirta bangigooda ay si buuxda u taageerto qiimo dahab ah oo bangiyada dhexe ku kaydsan. Nidaamkan wuxuu isku dayay inuu hagaajiyo qiimaha lacagaha oo aan ahayn mid iska kacaya oo hoos u dhacaya. Laakiin dowlado badan, sida Maraykanka, waxay ku xadgudbeen nidaamkaas iyagoo daabacay lacag aan u dhigmin dahabkii ay heysteen, waana tan sababtay burburkii system-kaa.
5. Bretton Woods Agreement (1944)
Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, waxaa la qabtay shirkii Bretton Woods, kaas oo lagu dajiyay nidaam cusub oo lacageed. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay 730 wakiil oo ka socda 44 waddan. Ujeedka shirka wuxuu ahaa in la dhiso nidaam cusub oo lacagta caalamiga ah, iyadoo dollar-ka Maraykanka lagu xiraayo dahabka. Nidaamka Bretton Woods wuxuu go’aamiyay in dollar-ka uu noqdo lacagta kaliya ee dahabka lagu iibsan karo, waxaana la abuurtay hay’ado caalami ah sida Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) si loo taageero nidaamka cusub.
Qodobada muhiimka ah ee lagu heshiiyay waxaa kamid ah:
1. Qiimaha dollar-ka waxaa lagu jaangooyay qiimaha dahabka.
2. Saliidda caalamka waxaa lagu kala iibsanayaa kaliya lacagta dollar-ka.
3. Dollar-ka wuxuu noqday mid asaas u ah lacagaha kale ee caalamiga ah, sarifka lacagaha adduunkuna waxaa lagu jaangooyay dollar-ka.
6. Plastic Cards (1950s)
Kadib markii la hirgeliyay nidaamka Bretton Woods, waxaa soo ifbaxay kaararka caagga ah (plastic cards), sida credit cards, oo dadka u fududeeyay inay si raaxo leh u isticmaalaan lacagtooda iyagoo aan dahab ama waraaqo sidan. Waxay ahayd tillaabo weyn oo lagu kobcinaayo nidaamka lacag bixinta ee casriga ah.
7. Nidaamka Lacagaha Casriga ah
Sanadihii dambe, nidaamka lacageed wuxuu u wareegay isticmaalka lacagaha elektarooniga ah iyo nidaamyada cusub ee dijitaalka, sida lacagaha kala duwan ee kaashka ah (fiat currencies) oo aan dahab ku tiirsaneyn. Lacagaha sida Bitcoin iyo blockchain technology ayaa iyaguna soo if-baxay, kuwaas oo hadda kaalin weyn ka ciyaaraya nidaamka lacageed ee caalamiga ah.
Nidaamkan cusub wuxuu meesha ka saaray tii hore ee lagu saleyn jiray dahabka, waxaana lacagaha casriga ah (fiat) si gaar ah loogu tiirsan yahay kalsoonida dowladda iyo dhaqaalaha waddamadda.
————————————————-
1. BC: Before Christ ( ka hor dhalashadii Nabi Ciise Calyhi salaam)