Macallin Yaxye

Macallin Yaxye wuxuu ahaa barahygii iigu samaynta badnaa inta aan Macallin wax ii dhigo waa meesha aan kasoo unkay ama kaaga soo biiray ardaynimada maanta aan heeraka kala duwan aan ka qaatay.

Waana meesha qalinka laygu soo toosiyay ama sidda qalin wax loogu xariiqo aan kaaga soo mushaaxay asaaska waxbarshada.

Quraan-ka barashadiisa waa halka aynu aqoonta iyo waxbarashada ka bilowno hadaynu soomaali iyo muslimiinba nahay, sida caadadeenu tahay ilmaheena iyagoo aad u da’ yar ayaa hinkaada carabiga iyo Qur’aanka barashadiisa loo bilaabaa, waxaa lageeyaa dugisayada (malcaamadaha) Qur’aanka wiilal iyo gabdhaba, waxaa dhiga dugsiyada macalimiin Illahay khayr hasiiyee iyagu ah kuwa hidaayada farta inoogu fiiqa marka aynu garaadsano kadib.

Dad yar oo kooban ayaa ilaawey guud ahaan Barayaashii iyo Macalimiinta wax soo barey, Inteena kale oo dhami weynu wada xasuusanahay qaar badan oo ka mid ah Macalimiintii gacanta inagu soo hayey wakhtigii waxbarasho, haddana gacanteena usha ku garaaci Jirey marka ardeygu khalad iyo gef ku dhaco.

Wakhtiyo ku farxad gelinaaya ayey ahaayeen sannadihii aad ku guda Jirtey waxbarashada kala duwan ee Macalimiintuna isku ka badali jireen. Maalin kasta waxa ay inoo aheyd Mid cusub, cashar cusub, khibrad iyo waayo aragnimo cusub iyo Macalinkii oo halkii ka sii ambaqaada duruusta xidhiidhka ah. Baraha habdhaqankeena wax ka badaley, fikirka iyo aragtida aynu Nolosha ku wajaheyno inoo qaabeeyey, dareenkeena, fikirkeena, iyo ficilkeena koriyey soona gaadhsiiyey kaalin wax ku oola ayaa mudan in la xuso.

Dhammaan intii Macallin wax isoobartay Rabbi haku amaansado labadda daarood sharaf iyo karaamo baan adduunka ugu rajayn daarta aakhirna janada kuwa lagu maamuso Rabbi haka yeelo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts