“Ka tag adduunka gadaashaada” ama “dhig dunidda gadaashaada”
Filinkaan sheekadiisu waxa ay ku bilaabmaysaa qoys ka kooban afar qof, Hooyo, Aabe iyo afar kaloo caruura oo ay haystaan, waxayna go’aansanayaan inay fasax gaaban galaan, kadibna meel magaalada u dhow ayay guri ka kiraysanayaan, intaas kadibna waxaa dhacaysa iyaga oo halkaas jooga in internet-kii iyo dhammaan isgaarsiintii ay go’do gabalkiina uu meeshaas ugu dhaco, waxaana guriga ugu imaanaya laba qof oo ah mulkiilaha guriga, cabaar markii ay wada doodaan waxay arrintoodu ku soo dhammaanaysaa inay habeenkaas halkaa seexdaan kadib markii waagu baryona ay soo ogaadaan sababta keentay in intarnet-ku go’o,
Ka dib markii subaxdii uu waagii baryo, oo ay damcaan inay soo ogaadaan sababta arrintaasi ka dambaysa waxayba ka war helaayaan in magaaladii ay ka dhacday foodo iyo qalalaase aad u tira badan, oo dhammaan diyaaradihii ay dhulka ku soo dhaceen, maraakiibtiina ay badda dibada uga soo baxeen, taasoo oo sababteedu ay ahayd go’itaanka internet-ka iyo istaagida technology-dda waxayna taasi sababaysaa cabsi aad u tirabadan, odaygii qoyska dalxiiska ahaa ayaa isna waxa uu soo helayaa warqad ay ku qorantahay kalamad carabi ah oo ah ” ha burburto Maraykanka” fariintaasi maadama ay carabi ahayd way fahmi waayayaan waxa ay tahay, se wiilkii yaraa ayaa sheegaya inay tahay fariintani “ha burburyo Maraykan” fariintan ayaa dhexdooda dood ka dhalinaysa waxayna wada falanqaynayaa sababaha keeni karta arrintaan iyo in internet-ku go’o, waxayna is dhaafsanayaan inay waxan oo dhami ay yihiin arrin ay ka dambeeyaan cadowga Maraykanku oo ay doonayaan in ay inqilaabaaan Maraykanka.
Maadaama Maraykanka si caadi ah oo ciidan ahaan ah aan loo soo weerari karin ayaa laga soo maray dhankaas iyo cyber security iyo satellite-yada, taas oo sababaysa inay istaagto dhammaan isku socodka gudaha Maraykanka maadaama badi noloshuba ay ku xirantahay internet-ka, waxaana halkaas ka dhalanaysa foodo maadaama badi dadka noloshoodu ay ku xirnayd internet-ka, waxaana dhalanaysa in dadku ay bilaabaan dil, dhac, iyo is boob, intaas kadibna ay awoodii Maraykanku halkaas ku wiiqanto, iyada oo halkaasi ay ka dhalanayso in Maraykanka la inqilaabo.