2024: Sannadkii Tiknoolojiyadda; Sannadka 2025 Maxaa La Fialayaa?

Sannadka 2024, Qaramada Midoobay waxay u aqoonsatay “Sannadkii Tiknoolojiyadda.” Taas micnaheedu waa in teknoolojiyaddu noqotay tiirka ugu wayn ee dhaqaalaha, Siyaasadda, ganacsiga, iyo nolosha guud ee aadanaha. Teknoolojiyadda ayaa sanadkan hoggaanka u qabatay dhammaan horumarka adduunka, waxaa si gaar ah isha loogu hayaa horumarka Artificial Intelligence (AI), blockchain, cryptocurrency, iyo kombuyuutarada quantumka. Laakiin su’aal ayaa taagan: Maxaa la filan karaa sannadka 2025? Haddii 2024 ay ahayd sannadkii bilowga, 2025 wuxuu noqon karaa sannadka soo shaacbaxa fursadaha kale iyo halisa ay teknoolojiyaddu wado.

Marka la eego horumarka Atificial Intelligence (AI), 2025 wuxuu noqon doonaa xilli aan horay loo arag. Waxaa la saadaalinayaa in 51% shaqooyinka caalamka uu la wareegi doono AI. Taasi macnaheedu waa in shaqooyinka ay dadku hadda qabtaan, sida adeegyada macaamiisha, shaqada xafiisyada, xisaabaadka, xitaa qoraallada iyo farshaxanka, ay si toos ah u qaban doonaan barnaamijyada AI-gu. Horumarka barnaamijyada AI sida ChatGPT iyo aaladaha lamidka ah wuxuu gaari doonaa heer ay shaqada xita si hal-abuur leh u qabtaan. Waxay fahmi karaan dareenka bini’aadamka, waxayna la falgeli karaan dadka iyaga oo u muuqda kuwo caqli leh. Tani waxay keenaysaa halis hor leh, maadaama dadku ay la kulmi karaan aalado ay u malaynayaan inay yihiin dad dhan ah, gaar ahaan markay soo baxaan aalado awood u leh cod, muuqaal, iyo wacyi-sameeyn ( consciousness-like interaction).

Hasa yeeshee, halista ugu wayn ee la xiriirta AI waa shaqo la’aanta ay keeni karto. Horumarka AI wuxuu sababi karaa in dad badan ay waayaan shaqooyinkooda, maadaama mashiinada iyo barnaamijyadu si fudud u qaban karaan hawlaha ay dadku qaban jiree. Tani waxay iyana keentay dood wayn oo ku saabsan sida dunidu ula qabsan doonto waayaha cusub. Dad badan waxay qabaan in dadku ay u baahan doonaan inay bartaan xirfado cusub, gaar ahaan xirfadaha la xiriira kormeerka, tababarka, iyo la shaqaynta AI. Shirkado badan ayaa horay u biloway inay adeegsadaan barnaamijyo xisaab-xir samaynaya, oo xisaabinaya dakhliga, kharashyada, iyo xitaa maaraynta shaqaalaha iyada oo aan arrimahaas oo dhami uusan bani-aadam gacan ku lahayn.

Dhanka kale, blockchain iyo cryptocurrency waxay la kulmi doonaan isbeddel wayn oo taariikhi ah. Waxay ahayd n blockchain-ka loo arko habka ugu amniga adag ee lagu kaydiyo macluumaadka iyo lacagaha digital-ka ah, balse horumarka cusub ee kombuyuutarada quantun wuxuu khatar ku yahay nidaamkaas. Google Willow, oo ah kombuyuutar quantum ah oo casri ah, wuxuu awood u leeyahay inuu jebiyo security-ga cryptographic (cryptographic keys) ee loo isticmaalo in lagu ilaaliyo boorsooyinka crypt-da (crypto wallets). Haddii kombuyuutar quantum ah uu jabin karo keys-kaa, waxay ka dhigan tahay in dhamman lacagaha crypto ee hadda jira, sida Butcoin, Ethereum, iyo kuwa kale ay halis geli doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, qaar kamid ah khubarada tiknoolojiyadda waxay rumaynsan yihiin in la heli doono xalal cusub, sida encryption-ka oo ka hortagi karaaya kombuuutarada quantum-ka ah. Waxay hadda wadaan cilmi-baatis ku saabsan “Quantum-Resistant Cryptography” si loo abuuro nidaamyo sir ah oo ay adag tahay in kombuyuutarrada quantum ay jebiyaan. Sidoo kale, dalalka iyo shirkadaha waawayn sida Google, IBM, iyo Shiinaha ayaa ku jita tartan ugu jira mid walbaa sidii uu ugu awood badnaan lahaa kuwa kale. Tartankan waxaa hoggaanka u haya Shiinaha, kaas oo si wayn u maalgelinaaya cilmi-baarista kombuyuutarrada quantum-ka.

Dhinaca lacagaha dijitaalka ah (cryptocurrency), sannadka 2025 waxaa la filayaa in dowladaha waaweyn, sida Shiinaha, Mareykanka, iyo Yurub, ay si rasmi ah u soo saaraan lacagaha dijitaalka ah ee bangiyada dhexe (CBDC – Central Bank Digital Currency). Lacagahan dijitaalka ah waxaa maamuli doona dowladaha iyo bangiyada dhexe, taasoo ka duwan lacagaha gaarka loo leeyahay sida Bitcoin. Waxaana la filayaa in CBDC-yadu ay xoojiyaan xakamaynta dowladuhu ku leeyihiin dhaqaalaha caalamka. Dowladaha, gaar ahaan Shiinaha, waxay doonayaan inay u isticmaalaan lacagahaas in lagu xakameeyo ganacsiga, canshuuraha, iyo lacagaha ka imanaya shisheeyaha. Arrintan waxay horseedi kartaa kala qaybsanaan cusub oo ku timaada nidaamka maaliyadeed caalamiga ah, iyadoo qaar ka mid ah wadamada galbeedka ay isku dayi doonaan inay ilaaliyaan madax-bannaanida dhaqaalahooda.

Sidoo kale, kombiyuutarada quantum ee casriga ah waxay awood u yeelan doonaan inay xalliyaan xisaabo adag oo aysan kombiyuutarada caadiga ahi xallin karin. Tusaale ahaan, xisaabo ku saabsan kimistariga iyo daawooyinka, taasoo suurtogal ka dhigi karta in la helo dawooyin cusub oo wax ka beddeli kara cudurrada aan daawo loo haynin. Nidaamkan wuxuu si gaar ah faa’iido ugu yeelan doonaa warshadaha dawooyinka, maadaama la xallin doono kiisaskii ugu adkaa ee cilmi-baarista kiimikada.

Dhanka siyaasadda iyo tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka, sannadka 2025 wuxuu noqon doonaa xilli xiisad leh. Tartanka tiknoolojiyadda waxaa u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka, iyadoo labada dal ay ku loolamayaan cidda hoggaanka u qaban doonta AI-ga, blockchain-ka, iyo kombiyuutarada quantum. Shiinaha wuxuu bartilmaameedsanayaa inuu noqdo hogaamiyaha tiknoolojiyadda AI, halka Maraykanku uu ku tiirsan yahay shirkadaha waaweyn sida Google, OpenAI, iyo Microsoft. Xifaaltankani wuxuu sababi karaa in dunidu u kala jabto labo nidaam oo tiknoolojiyadeed, mid uu hoggaaminayo Shiinaha, halka kan kalena uu yahay midka reer galbeedka.

Marka la isku daro dhammaan arrimahan, sannadka 2025 wuxuu noqon doonaa xilli lagu xusuusan doono taariikhda aadanaha. Waxaa jiri doona isbeddel weyn oo ku yimaada qaabka shaqada, dhaqaalaha, maaliyadda, iyo siyaasadda caalamka. AI-gu wuxuu la wareegi doonaa shaqooyinka, blockchain wuxuu wajihi doonaa halis cusub oo uga timaadda kombiyuutarada quantum, cryptocurrency waxaa hareyn doona sharciyeyn iyo xakamayn, halka kombiyuutarada quantum ay noqon doonaan midka beddeli doona xisaabaha adag iyo sirta amniga ee caalamka.

Gunaanadkii, 2024 wuxuu ahaa “Sannadkii Tiknoolojiyadda,” halka 2025 uu noqon doono sannad ay teknoolojiyaddu si buuxda u dhaqangasho. Waxay noqon doontaa xilli ay ka dhex muuqan doonaan fursado iyo haliso isku mar socda. Waxay noqon doontaa waqti uu qof kasta, shirkad kasta, iyo dowlad kastaa ka fakarayaan sida ay ula qabsan karaan tiknoolojiyadda cusub. Waxa cad ayaa ah in qofkii haro uu halis ugu jiro in laga tago. 2025 wuxuu noqon doonaa sannad horumar leh, halis badan leh, isla markaana ay caalamka ku qasban yihiin inay la qabsadaan isbeddellada tiknoolojiyadda ee aysan cidina joojin karin.

Qormoda tan xigta waxaan si khaas ah diirada u saari doonaa kaliya AI-ga. Haddii aad halkaan soo gaartay ku mahadsanid akhrintaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Posts